Xamse Cabdi Barre iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo saacadaha soo socdo ku wajahan magaalada Beydhabo.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi la socda, ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana halkaasi ka socda qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’isul Wasaaraha.

Sida wararku sheegayaan Xamse, ayaa u tagaya magaalada Baydhabo sidii uu ula kulmi lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Laftagareen oo maalmahan khilaaf kala dhaxeeyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, Xamse Cabdi Barre ayaa wararku sheegayaan in uu Baydhabo u diray madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la filayaa in Xamse ku qanciyo madaxweyne Laftagareen in uu yimaado magaalada Muqdisho, si uu wadahadllo dheeraad ah ula qaato madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Laftagareen ayaana wafdiga Ra’isul Wasaare Xamse Barre kala hadli doono tabashooyin maamulkiisa qabo, waxa uu sidoo kale kala hadli doonaa arrimo badan oo khuseeya khilaafka hadda taagan ee ka dhashay ciidamada Itoobiya ee laga saarayo deegaannada Koonfur Galbeed.

Wararka aan heleynbo ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ka walaacsan tahay in madaxweyne Laftagareen uu qaato go’aan uu ku qabsanayo doorasho isaga mar kale lagu dooranayo, isaga oo taageero ka helaya ciidamada Itoobiya ee jooga qeybo kamid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Sikastaba, madaxweyne Laftagreen oo maalmihii lasoo dhaafay dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa maalin kahor ku laabtay magaalada Baydhabo, waxa uuna haddalo uu jeediyay ku weeraray siyaasadda dowladda, isaga oo sidoo kale taageeray rabitaanka shacabka KG ee ku aadan in ciidamada Itoobiya la joogaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.