Soomaaliya oo xaqiijisay heshiis dhanka ammaanka ah oo ay la gashay Masar si la mid ah heshiisyadii Mareykanka iyo Turkiga.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska dhanka amniga ee ay dhawaan la gashay Masar, iyadoo ku tilmaantay inuu la mid yahay iskaashiga hadda jira ee ay la leeyihiin Mareykanka, Turkiga, Midowga Yurub, iyo wadamada Khaliijka.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa xaqiijiyay in ciidamada Masar ay ka qeyb qaadan karaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee lagu taageerayo iyo xasilinta Soomaaliya, kaasoo lagu wado inuu beddelo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) marka la gaaro Janaayo 2025.

Cali waxa uu ku nuux-nuux saday in go’aan kasta oo khuseeya ku lug lahaanshaha Masar uu yahay mid ay go’aamineyso dowladda Soomaaliya oo kaliya. Hawlgalka cusub ayaa ujeedadiisu tahay in la taageero ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo ilaalinta shaqaalaha Midowga Afrika.

Bishii Sebtembar, Masar waxay Soomaaliya geysay kayd labaad oo hub ah, oo ay ku jiraan qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda, taasoo qayb ka ah heshiiskooda dhinaca ammaanka—tallaabadan ay Itoobiya cambaareysay.

Masar iyo Jabuuti ayaa labaduba soo bandhigay taageerada howlgalka cusub ee Midowga Afrika, waxaana tallaabadaas soo dhoweysay Soomaaliya oo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xasilinayo dalka.

Maalmo ka hor, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ku celceliyay in ciidamada Itoobiya aysan ka qeybgali doonin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, haddii aysan Itoobiya ka bixin heshiiska is-afgaradka (MoU) ee ay la gashay Somaliland.

MOU waxa ay Itoobiya u ogolaatay in ay ka kireysato xuquuqaha xeebaha Badda Cas ee gobolka go’doonsan, taas oo u ogolaanaysa Itoobiya in ay dhisato saldhig badeed si ay u hesho aqoonsi diblomaasiyadeed.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay marmarsiinyo ka dhiganeyso in ay dhul Soomaaliyeed la wareegto. Isagoo ka hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayuu Fiqi ku eedeeyay in Soomaaliya ay ka hortagtay hub sharci darro ah oo ka yimid Itoobiya oo la doonayay in lagu huriyo colaadaha gudaha, isagoo ku sifeeyay falalkaas kuwo “xadgudub qaawan” ku ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.