Isra’iil oo jab xooggan lagu gaarsiiyay xadka Lubnaan.

Lubnaan (Raxanreeb online) – Ciidamada Israa’iil, ayaa khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala kulmaya duullaanka dhinaca dhulka ah ay ku qaadeen koonfurta dalka Lubnaan, waxaana milatariga Israa’iil ku adkaatay in ay ka adkaadaan kooxda Xisbullaah.

Sidoo kale, Afar askari oo ka tirsanaa ciidanka milatariga Israa’iil, ayaa lagu dilay xadka Israa’iil la wadaagto koonfurta Lubnaan , halka dhaawacyo culus la gaarsiiyay 15 askari oo kale , waxaana askartan katirsan milatariga Israa’iil lagu qarxiyay bambaanooyin loo diyaariyay.

Dhanka kale, kooxda Xisbullaah ayaana fulisay weerarkan bambaano ee lagu dilay ciidamada katirsan Israa’iil, waxaana diyaarado lagu qaaday askarta dhaawacyada ah iyo kuwa la dilay, weerrakan ayaana kordhiyay khasaaraha Israa’iil kasoo gaaraya duullaanka ay ku qaadeen Lubnaan.

Israa’iil ayaa horey looga dilay ciidamo badan oo kamid ahaa kuwa duullaanka ku qaaday koonfurta dalka Lubnaan, waxaana askarta la dilay ku jira taliyaal ciidan , kuwaa oo kordhiyay walwalka lasoo darsa askarta Israa’iil ku weerartay Lubnaan.

Milatariga Israa’iil , ayaana inta badan qariya khasaaraha kasoo gaara duullaanka ay ku qaadeen koonfurta dalka Lubnaan,, waxaana askarta Israa’iil lasoo darsay cabsi iyo walaac ,iyaga oo sheegaya in aysan is lahen waxa ay filayeen iyo xaaladaha ay la kulmayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.