Muhaajiriin udhashay dalka Ethiopia oo afduub loogu heystay Johannesburg oo lasoo bad-baadiyay

Johannesburg (Raxanreeb online) – Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa soo badbaadiyay 26 muhaajiriin ah oo la rumeysan yahay in ay ahaayeen Itoobiyaan, kuwaas oo afduub loogu haystay guri ku yaala magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa.

Sidoo kale, Shan iyo toban kamid ah muhaajiriinta waxa laga helay guri iyagoo qaa qaawan, halka 11 kale oo dhaawacyo yaryar qaba laga helay meel ku dhaw guriga.

Dhanka kale, hawlgalka lagu soo badbaadiyay dadkan ayaa ka dhacay habeenimadii Khamiista daafaha waqooyi bari ee magaalada Johannesburg, kadib markii xog laga helay dadka jaarka la ahaa sida boolisku sheegay, Sedex qofood ayaana loosoo xiray kiis kaasi.

Ma cadda sida muhaajiriintan ay ku yimaadeen dalka Koonfur Afrika balse maamulka ayaa baaraya haddii ay dhibanayaal u yihiin kuwa ka ganacsada tahriibinta.

Bayaan ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in ay burburiyeen “shabakad dadka tahriibisa”.

Saraakiishu faahfaahin dheeraada kama bixin xaaladdaha lagu heystay muhaajiriinta ama sababta qaarkood ay u qaawanaayeen.

Ugudambeyntii, intii hawlgalku socday qaar baa daaqaddaha ka booday sida boolisku sheegeen, waxana gaaray dhaawacyo, waxana loo qaaday isbitaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.