Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si buuxda u soo afjartay weerarkii dabley hubeysan oo katirsan Al-shabaab ay shalay ku qadeen xarunta nabad sugida ee Godka Jilacow, isla markaana la dilay dhammaan xubnihii weerarka soo qaaday.
Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay si degdeg ah uga jawabeen weerarka, isla markaana ay toogteen todobo xubnood oo katirsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo isku dayay in ay gudaha u galaan xarunta barista ee hoostimada hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.
“Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay ku soo afjaraan weerarkii argagixisadu qaaday, ayna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay, kuwaas oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Sidoo kale bayaanka kasoo baxay dowladda, ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay adeegsadeen gaari nooca Cabdi-Bilaha ah oo ay ku buufiyeen midabka iyo astaanta ciidamada amniga, islamarkaana ay xirnaayeen darees u eg direyska ciidamada, taasi ayaa lagu sheegay in suurto galisay inay si sahlan uga gudbaan baraha koontarool ee laga ilaaliyo amniga caasimadda, maaddaama aan baaritaan rasmi ah lagu sameyn gaadiidka ciidamada qalabka sida.
Geesta kale dowladda ayaa amar dul dhigtay hay’adaha amniga in ay si adag u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda.
Ugu dambeyn dowladda ayaa tacsi u dirtay ehellada askartii ku nafwaayay weerarka, halka kuwa dhaawacmay ay caafimaad u rajeeysay.

Leave a Reply