Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug, kuwaas oo maalin ka hor looga yeeray madaxtooyada Garowe.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda gobolka Mudug ee dhinacyada amniga, la dagaalanka maandooriyaha iyo dib-u-heshiisiinta beelaha, si xal waara loogu helo dilalka beelaysan ee gobolka ku soo noqnoqday iyo sidii loo dardargelin lahaa horumarinta gobolka Mudug.
Kulanka madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo mas’uuliyiinta gobolkaMudug waxaa ka qaybgalay xubno ka mid ah golaha xukuumadda oo intooda badan ka soo jeedaan gobolkaas.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Lugatoor, ayaa muddoyinkii dambeeyay waday kulamo uu la qaadanayo mas’uuliyiinta kala duwan ee gobollada uu ka taliyo maamulka Puntland, isaga oo kala hadlayay adeegyada kala duwan ee ay u hayaan bulshada Puntland.

Leave a Reply