Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa galabta garoonka Stadium Muqdisho, ka dhici doona ciyaarta kama dambeysta ah ee u dhaxeeysa degmooyinka Howlwadaag iyo Warshiikh oo ka kala tirsan gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciyaartan ayaa ah kulankii ugu dambeeyey ee tartanka degmooyinka gobolka Banaadir, oo muddooyinkii dambe si habsami leh u socday magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa mid xiiso leh, waxaana garoon xiligaan buux dhaafiyay boqolaal dhallinyaro ah oo kala taageeraya labada degmo ee Warshiikh iyo Howlwadaag.
Mas’uuliyiin katirsan dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, ayaa la filaya in ay kulan goob joog ka noqdaan, waxaana si aad ah loo adkeeyey amniga garoonka, iyo nawaaxigiisa.
Mar sii horeeysay taliska qeybta Booliska gobolka Banaadir, ayaa soo saaray amar ku aadan in wax hub ah lala gali Karin gudaha garoonka kaliya loo ogol yahay askarta amniga sugeeysa.

Leave a Reply