Boosaaso ( Raxanreeb Online) Puntland ayaa ka warbixisay howlgal xagga cirka ah oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay xalay ka fuliyeen buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Howlgalka ayaa si gaar ah diyaaradaha uga fuliyeen Aaga Baarakallah ee Togga Baalade oo buuraha Calmiskaad ee Puntland.
Mas’uuliyiin katirsan maamulka Puntland, ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 5 xubnood oo katirsan kooxda Daacish oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay Godod ku yaalla halkaasi.
Saraakiisha Puntland, ayaa tilmaamay in howlgalka uu u dhacay sidii loogu talagalay isla markaana ay ciidamada sii wadi doonaan beegsiga xubnaha katirsan Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.
Geesta kale Puntland, ayaa soo bandhigtay xubno katirsan Daacish oo u dhashay dalka Marooko, isla markaana kooxda u qaabilsanaa GPS-yada.
Wasiirka ganacsiga ee Puntland Axmed Shire, ayaa warbaahinta u sheegay in shaqsigan katirsan Daacish lagu magacaabo Cabdiraxiin binu Boros, la horkeeni doono maxkamad, si sharciga loo marsiiyo.
Howlgalka Puntland oo socda muddo ku dhow sannad, ayaa madaxda Puntland waxa ay shegeen in natiijo, wax ku all ah laga gaaray, lana burburiyay godadkii ay ku dhuumaaleeysan jireen horjoogayaasha Daacish.

Leave a Reply