Maxay tahay sabatya uu agaasimaha Sirdoonka Itoobiya u tegay Muqdisho ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Itoobiya Ridwaan ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.

Ridwan Xuseen, ayaa kulan albaabada u xirnaa la yeeshay madaxweyne Xassan Sheekh, waxaana lagu soo warramayaa inuu gaarsiiyay farrin uu ka siday raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Lama oga faahfaahinta farrinta, balse waxaa loo badinayaa inay ka wada hadleen isbedellada ka jira gobolka.

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Axaddii gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu Abiy ku yiri “Waxaa aan imid dalka Jabuuti oo uu si diiran iigu qaabilay madaxweynaha.

Wada-hadalkeennu wuxuu diiradda saaray dhaqdhaqaaqyada juqraafiyeedka, nabadda iyo amniga gobolka, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan ganacsiga, saadka, iyo horumarinta, annagoo xaqiijinayna sida ay nooga go’an tahay xasilloonida, is-dhexgalka dhaqaalaha, iyo barwaaqada labada dhinac”.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayso xiisadda Geeska Afrika ka dib markii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland.

Ilaa hadda war ah kama soo bixin dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan safarka uu taliyaha sirdoonka Muqdisho ku tegay maanta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.