Mareykanka oo taageeray madaxbanaanida Soomaaliya

Washington (Raxanreeb Online) Tan iyo 26-ki December 2025-kii markii uu soo baxay warka la xiriira ictiraafka Somaliland ee Israa’iil, waxaa si weyn la isu weydiinayay sida uu Maraykanku u arko arrintan.

Hayeeshe saacadihii la soo dhaafay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa ka hadashay mowqifka Maraykanka ee ku aaddan Somaliland iyo arrimaha si guud ku gedaaman.

Qoraal kasoo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in aanay ilaa hadda waxba iska badalin go’aanka Mareykanka ee ahaa ilaalinta madaxbanaanida Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka uu mar kale ku celiyey in siyaasadda Washington aysan is beddelin, islamarkaana ay weli ka go’an tahay taageeridda madaxbannaanida Soomaaliya.

Halka sidaas oo kale uu Mareykanka xaqiijiyay in xiriir wanaagsan oo shaqo uu kala dhexeeyo ‘Somaliland iyo maamul hoosaadyada kale ee ee dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa ay ka mideysan yihiin la dagaallanka argagixisada, amniga, iyo danaha dhaqaalaha.

Sikastaba, hadalkan ayaa meesha ka saaraya wararkii maalmihii dambe soo baxayay ee ku saabsanaa in Mareykanka uu wado qorsho uu dal madaxbannaan ugu aqoonsanayo Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.