Masar oo khuburo amni dhaqaatiir u soo direysa Soomaaliya

Home » Masar oo khuburo amni dhaqaatiir u soo direysa Soomaaliya
Masar oo khuburo amni dhaqaatiir u soo direysa Soomaaliya

Qaahira ( Raxanreeb Online) War kasoo baxay dowladda Masar ayaa lagu sheegay in Masar ay qorsheysay in saraakiil khuburo ah oo dowladda Soomaaliya ka caawinaya amniga iyo dagaalanka argagixisada.

Hadalkan ayaa soo baxay kaddib markii ay kulan Qaahir shalay ku yesheen madaxda Masar iyo Soomaaliya.

Masar ayaa horay fasax ogolaansha oo ku aadan in ciidamadeeda ay ka qeyb galaan howlgal midowga Afrika AUSSOM, si dowladda Soomaaliya ay uga caawiyaan amniga iyo geedi socodka nabada ee Soomaaliya.

“Iskaashigan waxaa sidoo kale ka mid ah tababarada iyo dhisida awood ciidan, inaga oo Soomaaliyau direyno saraakii khuburo amni ah oo gacan ka geysta dagaallada ka dhan ah argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Masar.

Sidoo kale xukuumadda Qaahira ayaa dhaqaatiir kala duwan iyo dawooyin usoo diraysa Soomaaliya si loo xoojiyo cilaaqaadka ka dhaxeeya Labada Dowladood loona xoojiyo iskaashigooda dhinacyada kala duwan ku dhisan

Leave a Reply

Your email address will not be published.