Muslimiin iyaga oo Ramadaan cunto cunaya oo la xiray

Kano ( Raxanreeb Online) Booliska Islaamiga ah ee gobolka Kano ee woqooyiga Nigeria ayaa xiray sagaal qof oo Muslimiin ah, kuwaas oo la arkayay iyagoo cunto cunaya maalintii koowaad ee Soonka Ramadaanka ee sanadkan.

Kano waxaa ku badan dad Muslimiin ah, halkaas oo nidaamka sharciga Islaamka – Shareecada – uu ka barbar shaqeeyo sharciga cilmaaniga ah.

Booliska Islaamiga ah ee loo yaqaanno Hisbah ayaa sanad walba bisha Ramadaan baara goobaha lagu shaaho, maqaayadaha iyo suuqyada si ay dadka Muslimiinta ah ugu xaqiijiyaan in ay ku adkeysanayaan saacadaha soonka. Dhismayaasha qaarkood waxay maqaayadaha ka furan yihiin meelaha ay ku nool yihiin Masiixiyiinta.

Muslimiinta, cunista waa ka mamnuuc inta u dhaxaysa qorrax ka soo baxa iyo qorrax dhaca. Soonku waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, kuwaas oo saldhig u ah sida Muslimiinta looga baahan yahay inay noloshooda u noolaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.