Laascaanood ( Raxanreeb Online) 18-kii bishan ciidamo qaab maleeshiyaad u abaabulan kana amar qaata sarkaal lagu magacaabo Gawrac, ayaa weeraray xarunta warbaahinta Raxanreeb oo ku taalla magaalada Laascaanood, iyaga oo qaatay agabkii yaalay xarunta, isla markaana u hanjabay agaasimaha Raxanreeb ee deegaanada Waqooyi Bari, Cabdirisaaq Kobciye.
Ciidanka ayaa la sheegay in sidoo kale ay weerareen guriga agaasimaha iyaga oo handaad iyo caga-jugleen isuguna daray qoyska Agaasime Kobciye oo xiligaa ka maqnaan hoygiisa.
Warbaahinta Raxanreeb oo ah madal warbaahin oo u hadasha dadka aan codkooda meel dheer gaarin, ayaa baahisay qaar kamid ah shaqaalaha muruq maalka oo ka cabanaya in shaqooyinkoodi lagu wareejiyay ajaanib, taasina ay dhibaato ku tahay noolashooda.
Sidoo kale warbaahinta Raxanreeb oo si taxadar leh u baahisay muqaalka cabashada, ayaa sacaado kaddib ciidamo uu hoggaminayo taliye Gawrac waxa ay weerareen xarunta, iyaga oo weliba u marin hab sharci ah.
Ururka warbaahinta Waqooyi Bari, ayaa si adag u cambaareeyay falka ay booliska gobolka Sool kula kaceen weriye Cabdirisaaq Kobciye oo ah Agaasimaha Raxanreeb.
“In wariye lagu xiro xarunta booliska, lagana duubo muuqaal isla markaana lagu qasbo inuu bixiyo raalligelin, waa dhaqan anshax-xumo ah oo baal marsan xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda muwaadiniinta. Tallaabada noocaas ah waxay cabsi gelin ku tahay warbaahinta madaxa-bannaan, waxayna dhaawacaysaa kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Ururka warbaahinta Waqooyi Bari.


Leave a Reply