Aabe iyo labadiisa Wiil oo aano qabiil looga dilay deegaanka Awgaduud…

Wanlaweyn ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Awgaduud ee hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa ku waramaya in Aabe iyo labadisa wiil ay maleeshiyaadka hubeysan ku dileen beertooda.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in ragga la toogtay ay ahayeen beeraleey ku hawlanaa howlahooda nolaleed, isla markaana aysan galabsan balse loo dilay fal la xiriira aanoo qabiil dartiis.

Xaaladda deegaanka dilka ka dhacay ayaa lasoo warinaya in xiisad adag ay ka taagan tahay, iyada oo dadka deegaanka ay soo wajahday cabsi iyo murugo weyn, waxa ayna dowladda iyo hay’adaha ammaanka ka dalbadeen in ay wax ka qabtaan xaalada amni darro ah ee deegaanka ka jirta.

Ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay maamulka degmada Wanlaweyn iyo laamaha amniga oo ku aadan dhacdada naxdinta leh ama cid loo soo qabtay falkaasi.

Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa kamid ah deegaanada ay marmarka qaar ay ka dhacaan falalka la xiriira aanooyinka qabiil, iyada oo maleeshiyaad hab qabiilka u abaabulan ay dilaan dad aan waxba galabsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.