Aadan Madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay Xamsa Warfaa oo ah Lataliyaha Madaxweyne Biden

Aadan Madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay Xamsa Warfaa oo ah Lataliyaha Madaxweyne Biden

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Xamse Warfaa.

Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Xamse Warfaa ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan uga mahad-celiyey  soo dhaweynta loogu sameeyay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso colaadihii sokeeye ee soomaray ayna cagta saartay dhabihii horumarka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la Lataliye Warfaa ku ammaanay doorkiisa firfircoonida leh uu ka qaatay in uu ka soo muuqdo Dowladda Mareykanka, waxaana uu kula dardaarmay in dalka kaalintooda horumarineed ka qaatan, si ay ula jaanqaadaan dadyowga kala duwan ee dunida ku nool.

Sabaxnimadii shalay ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho Xamse Warfaa oo ah la taliye sare oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha oo maanta dalka soo gaaray.

Xamse Warfaa ayaa ah masuulkii ugu sarreeyey ee asalkiisu Soomaali yahay oo xil ka qabta Xukuumadda Mareykanka, waxaana la taliye sare u magacaabay Madaxweyne  Joe Biden 2022.

Ujeedka Socdaalka uu Xamse ku yimid dalka ayaa daaran sidii uu ugu kuurgeli lahaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, isla markaasna uga shaqeyn lahaa sare-u-qaadidda danaha ka dhaxeeya labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.