Ahmadinejad oo mar kale isu soo taagay xilka madaxweynaha Iran

Ahmadinejad oo mar kale isu soo taagay xilka madaxweynaha Iran

Tehran (Raxanreeb) — Telefishinka qaranka Iran ayaa Axadii sheegay in madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad uu isu diiwaangeliyay inuu u tartamo doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacaysa 28-ka June, kadib geeridii madaxweynihii hore ee Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed bishii hore.


Si kastaba ha ahaatee, Ahmadinejad ayaa laga hortegi karaa inuu codbixintata ka qeybgal, maadaama Golaha Ilaalada Kacaank ee Iran ay kala saari doonaan musharixiinta, ayna soo saari doonaan liiska musharixiinta xaqa u leh inay tartamaan doorashada 11-ka Juun.


Ahmadinejad, oo horey uga tirsanaan jiray Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa markii ugu horreysay loo doortay Madaxweynaha Iran 2005-tii, isaga oo ka dibna xilka isaga dagay markii ay dhammaatay muddo xileedkiisii sannadkii 2013kii.

Golaha Ilaalada ayaa ka mamnuucay inuu ka qeyb galo doorashadi 2017, sanad ka dib markii hoggaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei uu uga digay in ka qeygalist doorashada “aan ahayn mid ay ku jirto danta dalka iyo isagaba”.


Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay labadooda kadib markii Axmadinejad uu si cad ugu dooday in la hubiyo awooda ugu dambaysa ee Khamenei.


2018, dhaleecayn naadir ah oo loo jeediyo Khamenei, ayuu Ahmadinejad u qoray isaga oo ugu baaqaya doorashooyin “xor ah”.

Reuters.