Al-Shabaab oo laga bur buriyay saldhig muhiim u ahaa

Al-Shabaab oo laga bur buriyay saldhig muhiim u ahaa

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa laga helayaa duqeyn culus oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah, gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lala beegsaday Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa la sheegay in lala beegsaday saldhiggii ugu weynaa ee Al-Shabaab, kaasoo ku yaallay degmada Galhareeeri.

Milltariga Soomaaliya, sarkaal u hadlay ayaa sheegay in lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda kuwaas oo saldhigga ku sugnaa.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in weerarka dhanka cirka ah, lala eegtay sidoo kale horjoogeyaal badan kuwaas oo aan tiradooda la shaacin.

Dhanka kale ma jirto wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, welina waxaa jirta xaalad kacsanaan oo deegaanka ka jirta.

Degmada Galhareeri, ayaa ka mid ah, deegaanada ay weli maamulaan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo weli aan gaarin howlgallada ka dhanka ah, Al-Shabaab.

Soomaaliya, khaasatan gobollada dhexe ayaa weli waxaa ka socda dagaallo iyo guluf xooggan oo ka dhan ah, kooxda Al-Shaabab, oo deegaano badan laga saaray.