Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigyo ku yaalla Xawaadley

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigyo ku yaalla Xawaadley

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal toos ah, oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Weerarkan ayaa lagu qaaday saldhigyo ciidamada Dowladda Federaalka, iyo kuwa ATMS, ku leeyihiin deegaanka Xawaadley, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Al-Shabaab, ayaa rabay in ay miinooyin ku xiraan kadibna qarxiyaan boondada deegaankaasi, oo marin muhiim u ah, dadka deegaanka ayaa laga hortagay weerarkaasi.

Sarkaal, u hadlay millatariga Soomaaliya, ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarka Al-Shaabab, kusoo qaadeen sidoo kalena wuxuu sheegay in hadda ay ka wadaan howlgallo aaggaasi.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa shaaca ka qaaday in ay ku raad joogaan kooxaha weerarka soo qaaday, ee Al-Shabaab, meel u dhow degmada Balcad.

Xawaadley, ayaaa ah, markii labaad oo weerar toos ah, kusoo qaadaan kooxda Al-Shabaab, oo inta badan ciidamada Xoogga Dalka, ay u celiyaan.

Xaaladda deegaankaasi ayaa ah, mid kacsan iyadoona la dareemayo dhaq dhaqaaqyo xooggan oo iska soo horjeeda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli shalay uu booqday degmada Balcad madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, kaas oo halkaasi ka daah furay mashaariic horumarineed halka kuwoo kalena uu dhagax dhigay.