Hargeysa (Raxanreeb online) – Somaliland waxaa maanta si weyn uga soo qayb galay codbixiyeyaal, iyadoo in ka badan hal milyan oo qof oo shacab ah ay u dareereen goobaha codbixinta ee gobolka si ay u doortaan madaxweynaha xiga. Doorashada 2024-ka waxa ku tartamaya saddex murashax oo caan ah kuwaas oo kala ah madaxweynaha talada haya ee Muuse Biixi Cabdi, hoggaamiyaha mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro iyo Faysal Cali Waraabe. Saddexda murrashax waxa ay kala qayb-galeen muwaadiniinta codkooda dhiibtay, iyaga oo mid kastaaba codkiisa ku muujinayey midnimo iyo dedaalka uu ugu jiro hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland.
Guud ahaan magaalooyinka Somaliland, muwaadiniintu goor hore ayay yimaaddeen si ay uga qaybqaataan waxa ay dad badani u arkaan doorasho muhiim ah. Isu soo baxan sare waxa uu ka tarjumayaa xamaasadda iyo rajada mustaqbalka gobolka maadaama uu sii wado raadinta aqoonsi caalami ah oo uu hiigsanayo in uu xoojiyo hay’adihiisa. Musharixiinta ayaa mid kastaa waxa uu baraha bulshada kula wadaagay daqiiqado uu ka soo qaatay khibradiisa codbixineed, iyaga oo ku dhiiri galiyay muwaadiniinta in ay xuquuqdooda qaataan, una muujiyaan kalsoonida ay ku qabaan hanaanka doorashada.
Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay guud ahaan xarumaha ay ka dhaceyso doorashada, iyadoo maamulka deegaanka uu xaqiijinayay in maalinta ay ku beegan tahay nabad iyo xasilooni. Masuuliyiinta doorashadu waxay bogaadiyeen sida heerka sare ah ee ay uga qayb-galeen, iyagoo xusay in isu soo baxan ballaaran uu muujinayo sida ay Somaliland uga go’an tahay qiyamka dimoqraadiyadda iyo aayo ka talinta.
Madaxweyne Muuse Biixi, oo doonaya in mar labaad loo doorto, waxa uu u ololeeyay ilaalinta xasiloonida iyo sii jirista. Musharaxa ugu tunka weyn ee C/raxmaan Cirro oo ka wakiil ah mucaaridka ayaa balan qaaday isbedel iyo habab cusub oo maamulka lagu samaynayo, halka Faysal Cali Waraabe oo isna ah musharraxa rug-cadaaga ah uu carabka ku dhuftay horumarka iyo iskaashiga gobolka.
Doorashada ayaa xirmi doonta galinka dambe ee maanta, iyadoo natiijada la filayo maalmaha soo socda gudahooda. Somaliland oo ah dawlad aan la aqoonsan oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya 1991, doorashadani waxay u taagan tahay wax ka badan awood wareejin. Goob joogayaal ka kala socday gudaha Somaliland iyo gobolada ay jaarka yihiin ayaa bogaadiyay sida tirada badan ee codbixiyaasha u soo baxay, iyagoo u arkayay inay muujinayso bisaylka siyaasadeed iyo go’aan qaadashada Somaliland.
Leave a Reply