Askar katirsan ciidanka dowladda oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Labo askri oo ka tirsan hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee SINA ayaa xalay lagu dilay degmada Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dilka askarta waxaa gaystay askari kale oo ka tirsan xoogga dalka, gaar ahaan ciidamada Gorgor ee ay tababarto dowladda Turkiga.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga dilka gaystay oo watay qori AK47 ah uu rasaas ooda kaga qaaday labada askari ee NISA, kaddib muran dhexmaray, waxayna intaas ku dareen in askariga Gorgor uu goobta keenay qof shacab ah oo markii hore muran ka dhexeeyay askarta dhimatay.

Askariga Gorgor oo isagana dhaawac soo gaaray ayaa lagu guuleystay in la qabto, waxaana dhaawaciisa la geeyay isbitaalka Madiina oo hadda lagu daawanayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.