Muqdisho ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari katirsan ciidanka dowladda oo barqanimadii maanta wiil dhallinyaro ah ku dilay xaafada Ceelqalow ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Cabdullaahi, waxa uu ahaa 17 jir, dugsi qur’aan kabiir ka ah.
Ehellada wiilka la dilay, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in wiilkooda uu ahaa qof da’yar oo aan waxba galabsan, isla markaana xiliga la tooganayay uu ku sugnaa afaafka hore ee dugsiga uu kabiirka ka ahaa, isla markaana banaanka dugsiga uu telefoon kula hadlayay Aabihii, balse mar qura askariga uu rasaas ku faray wiilkooda, taasi oo u geeriyooday.
Sidoo kale Ehellada wiilka la dilay, ayaa laamaha amniga iyo madaxda dalka ugu baaqay in lasoo qabto askariga dilka u geystay wiilkooda, isla markaana cadaalada la marsiiyo.
Muqdisho ma ahan mid cusub in askari katirsan dowladda uu si bareer ah u toogtay qof rayidka ah isla markaana uu goobta isaga baxsado, mana jirto ilaa iyo hadda tallaabo looga hortago askarta dadka rayidka ah bilaa sababta u dila.

Leave a Reply