Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, wuxuu dalka Maraykanka tagay sanadkii 1979 kii, isaga oo nin yar ah. Markii uu dhameeyay dugsiga sare ayuu ku biiray ciidmada Maraykanka. Sida uu qoray bogga ka faalooda arrimaha ciidamada Maraykanka, meelo kala duwan ayaa ciidan ahaan loogu qaaday Xuseen, oo ay kamid tahay Kuwait.
Sanadkii 1991 kii, markii ay dhacday dawladii dhexe ee Soomaaliya ee uu hugaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, Soomaaliya waxay gashay qalalaase, dagaalo iyo xasilooni darro ka bilaabatay gudaha dalka.
Muqdisho iyo inta badan koonfurta Soomaaliya waxaa gacanta ku dhigay jabhadii USC ee uu hugaaminayay Maxamed Faarax Caydiid.
Dhawr sano kadib waxaa isku dhac uu dhexmaray ciidamadii Maraykanka ee ku sugnaa Soomaaliya ee u yimid nabad ilaalinta iyo jabhadii USC, iyada oo uu dhacay dagaalkii caan baxay ee loogu magac daray Black Hawk Down.

Leave a Reply