Muqdisho ( Raxanreeb) La taliyaha amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah oo u socda dowladda Soomaaliya iyo AS. Xuseen Macallin ayaa sheegay in qorshaha madaxweynaha uu yahay mid cad oo leh sharuudo ay ka mid tahay in meesha ay ka saaraan xariirka AS kala dhaxeeya argagixisada caalamiga ah....
Author: Mohamed Ibrahim (Mohamed Ibrahim)
RW Xamse & Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlay geerida Jawaari
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday magaaladda Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Prof Jawaari uu ahaa shaqsi wakhti badan usoo huray dowladnimada Soomaaliyeed...
Sarkaal katirsan Booliska Soomaliya oo lagu dilay Muqdisho
Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa waxaa la sheegay in xaafad katirsan degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir inay ku dileen Sarkaal katirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya. Sarkaalka Alle ha u naxariistee ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Muuse Xaahi Cumar , waxaana la sheegay in raggii dilka u geystay oo dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirskiisa...
Jubbaland oo shaacisay Go’aan dalka looga saarayo Al-Shabaab
Wasiirka Wasaaradda Amniga ee dowlad Goboleedka Jubbaland Janeraal Yuusuf Xuseen Cismaan ( Dhuumaal) ayaa sheegay in Koonfurta Soomaaliya xilligaan ay ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada. Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado...
Mareykanka oo ku dhawaaqay War ka farxiyay dowladda Soomaaliya
Muqdisho ( Raxanreeb) Mareykanka waxaa laga yaaba inuu sare u qaado joogitaankiisa militari ee gudaha Soomaaliya , sababo la xiriira horumarada ay sameynayaan kooxda Daaciish, sida laga soo xigtay taliyaha howlgalka Mareykanka ee Afrika, Jen. Michael Langley oo hadal ka jeediyay kulan looga hadlay ammaanka oo ka dhacay Botswana. Wuxuu taliyaha intaas ku daray ;...
Wasiiro ku baxay dagaal Beeleedka Gobolka Mudug
Mudug ( Raxanreeb) Kulan hordhac ah oo ay isugu yimiddeen masuuliyiin ka kala socday maamullada Galmudug iyo Puntland oo ay kala hogaaminayeen, Wasiirro kala socday labada maamul kuwaas oo kala ah Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta sare iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland, wasiirka amniga Galmudug iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Galmudug ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. Shirka...
Weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada ATMIS iyo dagaal ka dhacay
Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb) Dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay wuxuu ka dhacay degaanka Danow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee kamid ah howlgalka ATMIS & Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi kala hadlay faragelinta Itoobiya
Muqdisho ( Raxanreeb) Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda Federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee dalka. Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ku bogaadiyay doorkooda...
Axmed Madoobe & James Swan oo ka wada hadlay Saddex qodob
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay sii hayaha madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wakiillo ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNFPA, UNICEF, iyo FAO. Kulanka ayaa lagaga hadlay geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, dhismaha kaabayaasha kala duwan gaar...
Wiil yar oo ku dhintay rasaastii dabaaldega 26 June
Muqdisho: Cabdisalaam Cali Faarax oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa ugeeriyooday rasaas kaga dhacday wadnaha, Rasaastan oo loogu dabaal dagayey 26 June. Rasaastan oo ugu tagtay xilli uu hurday Gurigiisa ayaa sababtay in uu geeriyoodo sida ay Warbaahinta usheegeen qoyskiisu. Alle ha unaxariisto. Dhacdadaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli taliska booliska Soomaaliyeed uu ku...