Sarkaal katirsan Booliska Soomaliya oo lagu dilay Muqdisho

Sarkaal katirsan Booliska Soomaliya oo lagu dilay Muqdisho

Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa waxaa la sheegay in xaafad katirsan degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir inay ku dileen Sarkaal katirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Sarkaalka Alle ha u naxariistee ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Muuse Xaahi Cumar , waxaana la sheegay in raggii dilka u geystay oo dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirskiisa ay goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ciidamo katirsan laamaha Amniga degmada Dharkenleey ay gaareen halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen Kooxihii hubeysnaa ee dilka u geystay Sarkaalka katirsanaa Booliska Soomaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaas, waxaana Warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka ay ku sheegteen inay ka dambeeyeen dilka Sarkaalka.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad u yaraaday dilalka qorsheysan oo ay fulinayaan Kooxda Al-Shabaab, kadib markii dowladda Soomaaliya ay sameysay Ciidamo dharcad ah, kuwaas oo la geeyay waddooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.