Muqdisho ( Raxanreeb)
La taliyaha amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah oo u socda dowladda Soomaaliya iyo AS.
Xuseen Macallin ayaa sheegay in qorshaha madaxweynaha uu yahay mid cad oo leh sharuudo ay ka mid tahay in meesha ay ka saaraan xariirka AS kala dhaxeeya argagixisada caalamiga ah.
Xuseen ayaa intaas ku daray in ay aqbalaan madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Hadalkan kasoo yeeray la taliyaha amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay la hadal haayay Warkaan.
Leave a Reply