Dhuusamareeb (Raxanreeb online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada iyadoo labo ciidan oo kala taabacsan dowladda ay qarka u saaran yihiin iska horimaadyo sida ay sheegayaan dad deegaanka ah. Khilaafkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo dhul ku yaalla magaalada...
Day: November 11, 2024
Ammaanka Magaalada Kismaayo Oo Aad Loo Adkeeyay Iyadoo Ay Ka Taagan Yihiin Xiisadaha Jubbaland Iyo DFS.
Kismaayo (Raxanreeb online) – Magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo dhanka ammaanka ah. Wararka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa maamulka Jubaland la soo dhoobay guud ahaan magaalada, kuwaas oo bilaabay howlgalo adag oo lagu xaqiijinayo ammaanka. Joogitaanka ciidamada...
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xeerarka Doorashooyinka Dalka.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan wadajir ah oo ay Shir Gudoomisay Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Marwa Sacdiya Yaasin Xaaji Samatar, waxaana maanta ajendaha uu ahaa ansixinta xeerarka Doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo...
Donal Trump oo magacaabay sargaal ka shaqeyn doona howlgalka dadka mujaahiriinta ee Mareykanka.
New York (Raxanreeb online) – Madaxweynaha la doortay ee dowladda Mareykanka Donald Trump, ayaa u magacaabay sargaal hore oo katirsanaa ciidanka booliiska in uu noqdo kormeeraha xuduudaha, si uu uga hortago qulqulka muhaajiriinta Mareykanka sharcidarrada kusoo gasha. Sidoo kale, Tom Homan, oo 62 jir ah, ayaa ah sargaal khibard badan leh oo kasoo shaqeeyay hay’adda...
Somaliland oo dowladda dhexe uga digtay in ay soo faragaliso doorashada ka dhaceysa Somaliland.
Hargeysa (Raxanreeb online) – War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland, ayaa looga digay dowladda Soomaaliya in ay sheegato qabsoomida doorashada dadweynaha ee ka dhaceysa 13-ka bishan deegaannada maamulka Somaliland. Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay in ay ka xun tahay in xukuumadda Soomaaliya ay ku magac doonato doorashooyinka xorta ah ee...
Taliyaha ciidanka Sacuudiga oo booqasho rasmi ah kutagay caasimadda dalka Iran.
Tehran (Raxanreeb online) – Taliyaha Guud ee ciidanka Sacuudiga, Marshal Fayyad bin Hamed ayaa maanta booqday magaalada Tehran ee xarunta dalka Iran. Sidoo kale, waxaa uu halkaas kula kulmay dhigiisa taliyaha guud ee ciidanka Iran, Major General Mohammad Bagheri, iyadoo la sheegay inay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal,...
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo darajooyin u kala jabiyay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani doorashada ka hor.
Hargeysa (Raxanreeb online) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa si cad u taageeray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axadii, isagoo ugu baaqay codbixiyayaasha inay taageeraan kooxaha isbedel doonka ah ee doorashada soo socota ee November 13-keeda. Saylici oo in ka badan 14 sano soo ahaa madaxweyne ku xigeen ayaa shir jaraa’id oo...
Ukraine oo weerar diyaaradaha aan duuliyaha laheyn loo adeegsaday ku qaaday dalka Ruushka.
Moscow (Raxanreeb online) – Ciidamada cirka ee dowladda Ukraine ayaa weeraro culus oo loo adeegsaday diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ku qaaday qeybo kamid ah gobolada dalka Ruushka, waxa ayna weeraradaasi qalqal badan ku abuureen shacabka Ruushka. Sidoo kale, war kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Ruushka, ayaa lagu sheegay in ay kahor tageen 84-diyaaradood oo nuuca...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka Sacuudiga kaga qeyb galaya shirka dalalka Carabka iyo Islaamka.
Riyadh (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Riyaad ayaa ka qeyb galaya shir deg deg ah oo madaxda dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay isugu yeereen Sacuudiga. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa rabshadaha sii kordhaya ee Gaza iyo Lubnaan. Shirkan oo ay soo qaban...
Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo oo magacaabay guddiga wadahaddalada Puntland iyo SSC-Khaatumo.
Laascaanood (Raxanreeb online) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumoo ayaa magacaabay guddiga wada hadalada iskaashiga Maamulka SSC-Khaatumo iyo maamulka Puntland. Xeer Hoggaamiye 26/2024Laascaanood: 10.November.2024 Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Isagoo tixraacaya: Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo qodobadiisa 1aad, 6aad, 14aad, 18aad Isagoo tixgelinaya:-Wadatashiyada Golayaasha Maamulka, Isimida Dhaqanka iyo Haldoorka Bulshada SSC-Khaatumo Hoggaamiyuhu waxa uu magacaabay Guddiga Wadahadallada Iskaashiga Maamulka SSC Khaatumo...