Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)

Atms oo kusoo biirtay dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe
Post

Atms oo kusoo biirtay dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe

Wararka kasoo baxaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ay haatan ku biireen dagaalka ka socda aagga deegaanka Cali Fooldheere oo dhaca duleedka degmada Mahadaay, halkaas oo ay muddo ku go’doonsan yihiin dagaalyahannada qaar katirsan Al-Shabaab.

Madaale oo ka degay Dhuusamareeb
Post

Madaale oo ka degay Dhuusamareeb

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarat magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Madaale oo kafaala qaaday daryeelka xarun lagu xannaaneeyo Gabdhaha agoonta
Post

Madaale oo kafaala qaaday daryeelka xarun lagu xannaaneeyo Gabdhaha agoonta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan iyo Aggaasime ku xigeenka waaxda  agoonta iyo da’yarta Tabaleysan ee  Gobolka Banaadir Ilhaan Aweys Axmed  ayaa maanta kormeeray School-ka ummu Mu’miniin Caa’isha ee degmada Xamar Weyne oo ah xarun lagu xanaaneeyo islamarkaana wax lagu baro 173-gabdhood oo agoon ah.