Madaale oo kafaala qaaday daryeelka xarun lagu xannaaneeyo Gabdhaha agoonta

Madaale oo kafaala qaaday daryeelka xarun lagu xannaaneeyo Gabdhaha agoonta

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan iyo Aggaasime ku xigeenka waaxda  agoonta iyo da’yarta Tabaleysan ee  Gobolka Banaadir Ilhaan Aweys Axmed  ayaa maanta kormeeray School-ka ummu Mu’miniin Caa’isha ee degmada Xamar Weyne oo ah xarun lagu xanaaneeyo islamarkaana wax lagu baro 173-gabdhood oo agoon ah.

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u kormeeray fasalada ay wax ku bartaan gabadhaha agoonta ah, goobta ay ku cunteeyaan iyo goobta ay seexdaan isaga oo warbixin kooban ka dhageestay maamulka xarunta daryeelka ummu Aisha, waxa uuna ku amaanay sida ay isugu xilqaameen taageerada iyo garab istaaga caruurta Agoonta ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa balan qaaday in uu had iyo jeer garab taagan yahay barnaamij kaste oo lagu horumarinayo nolasha caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah iyo kuwa kasoo jeeda qoysaska danta yar.

Duqa Muqdisho oo warbaahinta kula hadlay gudaha dugsiga ayaa balan qaaday in uu ka faala qaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay mas’uuliyada daryeelka Gabdhaha agoonta ah ee xarunta ummu Mu’miniin Caaisha.