Atms oo kusoo biirtay dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe

Atms oo kusoo biirtay dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe

Muqdisho (Raxanreeb) — Wararka kasoo baxaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ay haatan ku biireen dagaalka ka socda aagga deegaanka Cali Fooldheere oo dhaca duleedka degmada Mahadaay, halkaas oo ay muddo ku go’doonsan yihiin dagaalyahannada qaar katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada ATMIS ayaa lagu soo warramayaa inay maanta duqeymo ka billaabeen halkaasi, kuwaas oo ay ku garaacayaan xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan dhulka howdka ah.

Howlgalka xooggiisa wuxuu ka socdaa jiinka wabiga Shabelle, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaannada Ciid-ciidka iyo Cali Fooldheere oo ka wada tirsan dhammaantood gobolka Shabeellaha Dhexe.

Tallaabada ay qaadeen ciidamada ATMIS iyo duqeymaha ay wadaan ayaa timid, kadib markii ay toddobaadyo badan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka Al-Shabaab kula dagaallamayeen dhulkaasi oo ah howd, haddane ay godad waa weyn ka qoteen Al-Shabaab.

Dhulka oo ah, mid aan la geli karin, godad iyo buuro leh ayaa keentay inay gabaadyo waaweeyn ka dhigtaan malleeshiyada Al-Shabaab, wuxuuna howlgalku qaatay maalmo badan.

Ujeedka ayaa ah, in kor iyo hoos laga weeraro xubnahaasi, si meesha loogu soo afjaro, maadaama inta badan deegaannadii kale laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad iyo aad u kacsan, mana jirto wax hadal ah, oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo HirShabeelle oo ku aadan dhaq dhaqaaqyadaasi ka socda deegaannadaasi.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama wajiga koowaad ee howlgalka socda looga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla gobolkaasi.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka socda gulufkii ugu xoogganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka iyo dadka deegaanka, waxaana haatan dagaalka xooggiisa uu ka socdaa maamullada Galmudug iyo HirShabelle.

Al-Shabaab, ayaa dagaal cer iyo dhul lagu qaaday kaasoo socda muddo sannad iyo badh ku dhowaad halkaasoo Ciidamada DF iyo malleeshiyada Macawisleyda ay guulo badan kusoo hoyiyeen walow deegaano badan markii danbe ay kooxda dib u qabsatay.