Ninka ugu sarreeya sirdoonka Israel David Barnea ayaa ku hanjabay in Mossad ay beegsaneyso bartamaha Magaalada Tehran ee Caasimadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan kaddib markii sirdoonka Iiraan ay sameeyeen in ka badan 20 isku day oo lagu beegsanayo danaha Yuhuudda ee caalamka.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Dowlad Deegaanka
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weeraro is xig xigay oo laba meeleeshiyo Beeleed ay ka geysteen degaanka barkadaha qurac shir iyo u dhaxeeya degaannada Caleen iyo Fadhigaraadle ee dhulka dowlad degaanka Soomaalida.
DF oo warbixin kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Awdheegle
Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerar ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen degmada Awdheegle ayaa guul ka sheegtay dagaal ay ciidamada Xoogga dalka la gaareen xubnaha weerarka soo qaaday.
Al-Shabaab oo gubay deegaano hoostaga Shabeellaha Hoose
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen tuulooyin dhowr ah oo dhaca agagaarka magaalada Leego ee gobolkaasi oo ay daganaayeen dad xoolo dhaqato ah.
Cali Guudlaawe “Dagaalka ka dhanka ah ‘Al-Shabaab in la dhammeystiro ayaa la rabaa”
Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo la hadlay dadka deegaanka ee ‘Maxaa Siciid’ ayaa kula dardaarmay in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.
Mareykanka oo shaaca ka qaaday inay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah, duqeeyn ka dhacday Galgaduud
War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM ayaa lagu faah-faahiyay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha duulliye la’aanta Drones-ka oo 6dii September 2023 ka dhacday Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Wararkii u danbeeyey ee dhul-gariirka Morocco oo ay ku dhinteen inkabadan 1,000
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya saacadba saacadda ka dambeysa dhul-gariirka xooggiisa lagu sheegay 6.8 Magnitude ee ku dhuftay Dalka Morooko ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika iyada oo dad badan weli baadi-goobkooda lagu howlan yahay.
Cali Guudlaawe oo wada abaabul ka dhan ah Al-Shabaab
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa uu ka billaabay abaabul ciidan oo ka dhan ah ‘AS’ si looga hortago weerarrada lagu qaadayo ciidamada dhawaan ay qabsadeen.
Wasiirka Maaliyadda DF oo Dooxa kula kulmay dhiggiisa Qatar
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo ku sugan dalka Qatar ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha waxa uu kula yeeshay magaalada Dooxa dhigiisa Wasiirka Maaliyadda Qatar Cali Bin Axmed Al-Kuwari.
Xamza iyo Farmaajo oo ku kulmay Qatar
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu booqasho ugu tegay.









