Wasiirka Maaliyadda DF oo Dooxa kula kulmay dhiggiisa Qatar

Wasiirka Maaliyadda DF oo Dooxa kula kulmay dhiggiisa Qatar

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo ku sugan dalka Qatar ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha waxa uu kula yeeshay magaalada Dooxa dhigiisa Wasiirka Maaliyadda Qatar Cali Bin Axmed Al-Kuwari.

Kulanka Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa diiradda waxa ay ku saareen arrimaha hannnaanka Deyn Cafinta, iskaashaga horumarinta dhaqaalaha labada dal iyo xoojinta nidaamyada Maaliyadeed ee muhiimka u ah dib-u-habaynta Maaliyadda dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,. Biixi Iimaan Cige ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Hey’addaha Maaliyadda iyo dhaqaalaha ee dalka Qatar.

“Waxa aan maanta magaalada Dooxa a ee xarunta Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali bin Ahmed Al-Kuwari. Waxa aan ka wadahadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda, xoojinta xiriirka iskaashiga dhaqaalaha labada dal iyo Arrimaha deyn-cafinta oo hada meel gabo-gaba ah maraya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliiyadda ayaa ka mid ah wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee booqada u jooga dalka Qatar. Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar, taageeradeeda ay la garab taagan tahay Dowladda Fedeeralka Soomaaliya.