Isra’il oo ku dhaaratay inay weerar ku qaadayaan Iran

Isra’il oo ku dhaaratay inay weerar ku qaadayaan Iran

Gaza (Raxanreeb) — Ninka ugu sarreeya sirdoonka Israel David Barnea ayaa ku hanjabay in Mossad ay beegsaneyso bartamaha Magaalada Tehran ee Caasimadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan kaddib markii sirdoonka Iiraan ay sameeyeen in ka badan 20 isku day oo lagu beegsanayo danaha Yuhuudda ee caalamka.

David Barnea oo ka hadlay shir looga hadlay arrimaha amniga ayaa sheegay in sirdoonka Iiraan ay sameeyeen weeraro fashilmay oo ka dhan ah Israel & dalalka xulufada la ah oo ka dhacay Waddamo dhaca Qaaradaha Yusuf, Afrika, Koofur-bari aasiya iyo Koofurta Ameerika balse siima bixin faah-faahin intaas dheer.

Waxa uu tilmaamay David in Sirdoonkooda Mossad ay ku howlan yihiin sidii ay u beegsan lahaayeen dhiggooda Iiraan oo uu ku eedeeyay in ay ka tallaabeen xeendaabkooda iskuna dayeen in ay dhulka dhigaan danaha Israel ee waddamo kala duwan oo dhaca Qaaradaha Adduunka waa sida uu hadalka u dhigay.

“Shirqoolada ay wadaan kooxahan waxaa soo agaasimay, hagayey oo ka dambeeyey Iran, farriinteennu waa mid qaylo dheer oo cad oo go’aan uu ku dheehan yahay, Ha qaldamina, kuwiina go’aansaday in ay soo diraan kooxahaas” David Barnea ayaa sidaas ka sheegay shirka amniga looga hadlay ee Tel Aviv ka dhacay.

Sirdoonka Israel ee loo yaqaan Mossad waxaa cagta-cagta u saaray kuwa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, waxaana intaas dheer weerarrada dhinaca Internet-ka ah ee la isku dayayo in loo duso xogtooda si bannaanka loosoo macluumaadka dahaaran ee shaqada sirdoonkaas la xiriira.