Garoowe ( Raxanreeb Online) Axmed Jaamac Maxamed Idiris ayaa si rasmi ah u noqday mudane ka tirsan golaha wakiilada Puntland, kaddib markii uu buuxiyay booskii uu baneeyay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Fadhigii maanta ee Baarlamaanka Puntland ayaa lagu dhaariyay xubintan, kaddib markii uu soo maray habraacyadii sharci ahaa ee loo baahnaa, sida uu dhigayo xeer-hoosaadka golaha iyo dastuurka Puntland.
Geesta kale Xidhibaan Axmed Jaamac Idiris ayaa hore uga mid ahaa xubnaha sare ee guddiga doorashooyinka Puntland (PEC).
Sikastaba, Abwaan Cabdirashiid oo hore u soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa bishii July ee sanadkanx iska casilay xubinta xildhibaanimo. Abwaanka ayaa hadda ah madaxweyne ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Leave a Reply