Muqdisho (Raxanreeb online) – Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada kulanka soo xaadiray ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerkaan, wwxaana ogolaatay 177 Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan diiday ama aamusay.
Sidoo kale sabtidii ayay ahayd markii ay xildhibaanada labada Gole meel-mariyeen xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan doorashooyinka iyo xuduudaha dalka.
Tallaabooyinkan loo qaaday doorashada qof iyo codka ah ayaa waxaa diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda Soomaaaliya.
Leave a Reply