Jowhar ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in maanta banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo maamulka Hir-shabeelle uu halkaasi ka socdo.
Dadka bannaanbaxa dhigaya ayaa ka cabanaya maamulka Hirshabelle oo canshuuro xad dhaaf ah kusoo rogay gaadiidleyda iyo ganacsatada magaalada
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in banaanbaxayaashu ay gubeen taayaro, isla markaana ay ku qeylinayaan in aysan awoodin cashuurta lagu soo rogay, ayna dalbanayaan in madaxda maamulka Hir-shabeelle uu wax ka qabto.
Sidoo kale ciidamada Booliska Hir-shabeelle, ayaa isku dayaya in ay xakameyaan banaanbaxayaasha, si ay uga hotagaan in ay dhibaato geystaan.
Ilaa iyo hadda ma jiro mas’uul katirsan wasaaradda maaliyadda Hir-shabeelle, oo ka hadlay ganacsatada iyo gaadiidleyda gobolka Shabeellaha Dhexe, ee ka cabanaya canshuurta xad dhaafka ah ee ay shegeen in lagu soo rogay
Tallabadan ayaa dadka qaar waxa ay u fasireen in ay tahay madaxda maaamulka Hir-shabeelle, waqtiga kooban ee u harsan in ay ka faa’ideysanayaan oo ay dhaqaalo badan bulshada ka sameynayaan.

Leave a Reply