Maqdisho (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Caalamiga ah ee Samafalka (International Rescue Committee – (IRC), David Miliband, oo booqasho shaqo ku yimid dalka. Kulankan heerkiisu sarreeyo ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo agaasimuhu kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa...
Maxaa ka jira in dhowaan dib loo howlgalin doono shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines?
Muqdisho (Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dowladdu ay dhowaan dib u hawlgelin doonto shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines. Tallaabadan oo soo afjaraysa in ka badan soddon sano oo ay hawada ka maqneyd astaantii qaran ee duulista, ayaa dib u soo celinaysa rajada shacabka Soomaaliyeed....
Ciidanka NISA oo howlgal culus ka fuliyay gobolka Hiiraan
Hiiraan (Raxanreeb Online) Hay’adda Nabad sugida iyo qaranka ee NISA, ayaa ka warbixisay howlgal duqeymo ah lagu dilay xubno katirsan kooxda Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka Hiiraan. Qoraal kazoo baxay hay’adda NISA, ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo si gaar ah looga fuliyay deegaanka Biyo Madoobe ee gobolka Hiiraan, isla markaana...
Somalia iyo Qatar oo bilaabay kalfadhigii ugu horeeyay ee ay yeshaan guddiga wadajir ee Iskaashiga
Qatar (Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Doha kaga qayb-galay kalfadhigii koowaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar. Guddigan oo labada dowladood dhiseen ayaa ah mid lagu xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya...
Dhulgariir ku dhuftay Japan oo tobanaan qof ay ku dhinteen
Japan (Raxanreeb Online) Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii dhulgariir cabbirkiisu lagu qiyaasay 7.5 uu ku dhuftay waqooyi bari Japan habeennimadii Isniinta, kaasoo ku qasbay kumannaan qof inay guryahooda ka baxaan. Dhulgariirku wuxuu dhacay 23:15 (14:15 GMT) meel qiyaastii 80km u jirta xeebta gobolka Aomori, sida ay sheegtay wakaaladda saadaasha hawada...
Maxey yihiin gadiidka lagu wareejiyay wasaaradda amniga gudaha ee XFS ?
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kala wareegay Hay’adda UNDP gawaari loogu talagalay hey’adaha amniga dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Wasiirka ayaa sheegay in gawaaridan ay muhiim u yihiin xoojinta iyo tayeynta hay’adaha amniga, isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan kor u qaadidda adeegyada...
Ku dhowaad 5 qof oo 24 saac gudahood lagu dilay degmada Baladxaawo
Balad-xaawo ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal kala duwan oo sacaadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo. Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in xalay saqdii dhex 4 qof oo shacab ah oo mid kamid ah uu xanuunsanaa la dilay, waxaana 4 qof ee la dilay la...
Madaxweynaha Benin oo sheegay in afgembigii ay ka hortageen
Benin ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Benin, Patrice Talon, ayaa ka soo muuqday telefishinka si uu dadka u qanciyo kadib isku daygii afgambi ee shalay halkaasi ka dhacay. “Waxaan jeclaan lahaa inaan bogaadiyo waajibaadka ay guteen ciidamadeenna iyo hoggaamiyeyaashooda, kuwaasoo daaad u noqday qaranka,” ayuu yiri Patrice Talon. Isagoo u muuqday mid deggan, wuxuu sheegay in...
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Donald Trump
Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si dadban uga hadlay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku weeraray dowladnimada Soomaaliya iyo Soomaalida Minnesota ku nool. Deni oo hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada ,Garoowe ayaa sheegay in Soomaalida tagtay dalalka dibada ay aad u muuqdeen, hase ahaatee...
Puntland oo waqti dheeraad ah ku dartay howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad
Boosaaso ( Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa kordhisay waqtiga howlgalka la dagaalanka ooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad, kaas oo markii hore qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo 1-da bishan December. Saraakiil katirsan ciidanka Puntland ayaa inoo xaqiijiyay in la qorsheeyay in howlgalka lagu daro lix bilood oo dheer ah, si loo soo afmeero firxadka kooxda...









