Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Puntland ayaa soo saartay amar rasmi ah oo lagu mamnuucayo in gudaha Puntland soo galo Naasir Cigge. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii lagu eedeeyey in xilligii uu safka hore uga muuqday wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamse uu hadallo gaf iyo ceebayn ku sheegay Ciidamada Difaaca Puntland ee saldhiggoodu yahay Calmiskaad, kuwaas oo...
Maxey kawada hadleyn RW ku-xigeenka dalka iyo safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya ?
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulmay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Axmed bin Maxamed Al-Muwalled. Kulanka oo looga hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, ayaa labada masuul ay isku raaceen adkeynta iskaashi ku qotoma dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed....
Masar oo sheegtay in dowladda Soomaaliya ka codsatay in ciidamo u soo dirto
Qaahira ( Raxanreeb Online) Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar Badr Abdelatty, ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay in ciidanka Masar ay ku biiraan howlgalka midowga Afrika AUSSOM ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Masar ay ka codsatay in ciidamo u soo dirto si ay uga caawiyaan la dagaallanka Al-shabaab iyo kooxaha...
Canada, Finland, Norway,Cuba iyo Spain oo Soomaaliya safiiro u soo dirsaday
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibada ee xukuumadda Soomaaliya Cabdisalan Cabdi Cali ayaa maanta ka guddoomay nuqullo kamid ah waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Canada, Finland, Norway,Cuba iyo Spain. Wasiirku waxa uu safiirradan ugu hambalyeeyey ku soo biirista safka diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka...
Ciidanka xoogga oo howlgal culus ka fuliyay deegaano ku yaalla gobolka Galgaduud
Galgaduud ( Raxanreeb Online) Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Ururka 242, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ku yaalla gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Howlgalka ayey ciidanka ku burburiyeen goobo iyo gabaadyo ay kooxdu ku laheyd inta u dhaxeeysa Cali Yabaal iyo Isgooyska Geerile. Taliyaha Ururka 242 ee ciidanka xoogga dalka Dhamme Bashiir Qorane, ayaa...
Dowladda Somalia oo sheegtay in aysan u jawaabeynin Trump
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa bartiisa X, ku daabacay qoraal dad badan u arkeen in dowladdu ugu jawaabayso madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo maalmahaan si is daba joog ah weerar afka ah ugu qaaadayay Soomaalida Mareykanka ku nool iyo dowladnimada Soomaaliya, isagoo ku...
Dowlada mareekanka oo sheegtay Lacagtii lagu lunsaday Minnesota in lagu dhisay Nairobi iyo Istanbul
Minnesota (Raxanreeb Online) Haweenayda u qaabilsan Aqalka Cad dalka mareekanka oo lagu magacaabo Nikole Leavitt oo la hadashay warbaahinta xalay ayaa sheegtay in Dadka mareekanka ay dhacan yihiin oo canshuurtoodi lagu tamashleeynayo oo baabuurta raaxada iyo daaro waa wayn lagu iibsaday meel ka baxsan dalka Mareekanka. Nikole ayaa sheegtay in dad gaaraya 86 qofood loo...
Faah faahin: Toogasho ka dhacday Mareyknka
California (Raxanreeb Online) Ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ayaa lagu toogtay laguna dilay xaflad qoys oo ka dhaceysay California, sida ay sheegeen masuuliyiinta Maraykanku. Dadka la dilay waxaa da’doodu ahayd 8, 9, 14 iyo 21 jir, sida mas’uuliyiintu sheegeen Axaddii. 11 kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada ka dhacday makhaayad...
Madaxweynaha Uganda oo diiday inuu ka qayb galo doodda musharixiinta doorashada dhawaan dhacaysa
Kambala (Raxanreeb Online) Madaxweyne Yoweri Museveni ma ka qeyb geli doono doodda musharraxiinta oo lagu wado in ay is wajahaan murashaxa ugu weyn ee mucaaradka, Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaan yaqaan Bobi Wine. Dooddan waxaa soo qaban-qaabiyay warbaahinta dalka, waxaana loogu talagalay in musharrixiinta madaxweynenimada ay halkaas ku soo bandhigaan siyaasaddooda si ay u gaaraan...
Sacuudi Carabiya oo khafiifinaysa shuruucda khamrada baarar cusubna furaysa
Riyad ( Raxanreeb Online) Sacuudi Carabiya ayaa fududaysay xayiraadihii saarnaa iibinta khamriga ee loo oggolaa shisheeyaha dalka ku sugan. Sannadkii hore, dowladda Sacuudiga waxay baar (bar) ka furtay caasimadda dalka, Riyadh, halkaas oo kaliya loo oggolaa in diblomaasiyiinta shisheeye ay ka iibsan karaan khamri. Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegeen dhowr wakaaladood oo warar...









