Category: Warar

Home » Warar » Page 5
Maamulka Puntland oo sheegay in aysan taageersaneyn go’itaanka Somaliland
Post

Maamulka Puntland oo sheegay in aysan taageersaneyn go’itaanka Somaliland

Garoowe ( Raxanreeb Online) Wasiirka warfaafinta ee dowlad goboleedka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir  oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in Puntland mowqifkeeda ku aadan midnimada Soomaaliya uusan waxba iska badalin isla markaana aysan taageersaneen go’itaanka Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay xiligan wajaheysa khatar caalami ah, isla markaana ku sababeeyey arrintaasi hoggaan xumo, ayna...

Maxey yihiin ciidanka gaar ah ee Jubbaland ay tababarka u soo xirtay ?
Post

Maxey yihiin ciidanka gaar ah ee Jubbaland ay tababarka u soo xirtay ?

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Jubaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, ayaa maanta soo xiray tababar muddooyinkii u dambeeyay u socday ciidamo ka tirsan Ilaalada Gaarka ah ee Madaxtooyada Dowladda Jubaland, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xirfadaha amniga, ilaalinta madaxda, iyo sare u qaadista heeganka shaqo ee ciidamada. Tababarkan ayaa muhiim...

Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay dalka Switzerland
Post

Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay dalka Switzerland

Switzerland ( Raxanreeb Online) Dhowr qof ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii qarax uu ka dhacay baar ku yaal goob loo dalxiis tago ee magaalada Crans-Montana ee dalka Switzerland, sida ay booliisku sheegeen. Qaraxu wuxuu dhacay 01:30 waqtiga maxalliga ah, sida ay booliisku ku sheegeen bayaan ay BBC-du heshay. Muuqaalo...

Soomaaliya oo maanta noqoneysa madaxweynaha golaha ammaanka ee QM
Post

Soomaaliya oo maanta noqoneysa madaxweynaha golaha ammaanka ee QM

New York ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo tariikhda tahay  1/1/2026 waxa ay si rasmi ah ula wareegtay xilka madaxweynaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Muhiimada xilkan waxa uu yahay dajinta ajandaha kulamada, guddoominta fadhi kasta oo rasmi ah iyo wadatashiyada gaarka ah iyo matalaada marka lasoo saarayo bayaan ama war-saxafadeed. Sidoo kale...

Maxey kawada hadeyn Ra’iisul wasaare Xamsa iyo safiirka Shiinaha ?
Post

Maxey kawada hadeyn Ra’iisul wasaare Xamsa iyo safiirka Shiinaha ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Wang Yu, iyaga oo ka wada- hadlay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa faragelinta qaawan ee Isra’iil ku soo qaadday madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo difaaca danaha labada...

Burkina Faso iyo Mali oo muwaadiniinta Mareykanka ka mamnuucay dalalkooda
Post

Burkina Faso iyo Mali oo muwaadiniinta Mareykanka ka mamnuucay dalalkooda

Ouagadougou ( Raxanreeb Online) Dalalka Mali iyo Burkina Faso waxay sheegeen inay ka hor istaagi doonaan muwaadiniinta Mareykanka inay soo galaan dalalkooda, taasoo ay ku tilmaameen jawaab toos ah oo ku aaddan go’aanka Washington ee ah inay muwaadiniintooda ka mamnuucday Mareykanka. Labada waddan ee Galbeedka Afrika ee uu hoggaaminayo militariga ayaa ku dhawaaqay tallaabadan habeenkii...

Ciidanka xoogga oo ka hortagay qaraxyo lagu aasay deegaan muhiim ah oo ku yaalla Jubbada Hoose
Post

Ciidanka xoogga oo ka hortagay qaraxyo lagu aasay deegaan muhiim ah oo ku yaalla Jubbada Hoose

Afmadow ( Raxanreeb Online) Howlgal qorsheysan ayaa sacaadihii lasoo dhaafay ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Hanjaleeley, oo qiyaastii 50-km dhanka waqooyi-bari uga beegan magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka, ayaa lagu bartilmaameedsanayey maleeshiyaad katirsan Al-shabaab oo qorsheynayey falal amni-darro, waxaana Ciidamada Danab ku guuleysteen inay ka hortageen miinooyin lagu...

Somaliland oo u yeeratay wakiilkeedii dalka Jabuuti
Post

Somaliland oo u yeeratay wakiilkeedii dalka Jabuuti

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Somaliland ayaa sheegtay in ay u yeeratay wakiilkeedii u joogya dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa war ay baahisay ku sheegtay in wakiilka u jooga Jabuuti loogu yeeary wadatashi salka ku haya xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhalatay aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland dhawaan. Somaliland faahfaahin intaa dheer kama bixin,...

Duqa Muqdisho oo sheegay in sannadka 2026 Muqdisho lagu arki doonin waddooyin burbursan
Post

Duqa Muqdisho oo sheegay in sannadka 2026 Muqdisho lagu arki doonin waddooyin burbursan

Xamar ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Nasiib Buundo, qaybteeda degmada Shibis, taas oo si buuxda u dhammaatay, kana mid ah mashaariicda horumarineed ee ka socda caasimadda Muqdisho. Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in waddadan...

Banaanbax ballaaran oo ka socda magaalada Baladweyne
Post

Banaanbax ballaaran oo ka socda magaalada Baladweyne

Baladweyne ( Raxanreeb Online) Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa saakay ka soconaya banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo xadgudubka ay Israa’iil ku sameeysay madaxbanaannida Soomaaliya iyo aqoonsiga Somaliland. Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galaya boqolaal dhallinyaro oo u badan ardayda iskuulada magaalada Baladweyne, waxaana uu yahay bananbaxa mid xoogan oo joojiyay isku socodka...