Guriceel ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo jidka u galay gaari noociisa yahay Toyoto Probox oo u socday Aroos, kaasi oo marayay duleedka deegaanka Laanjabane ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Inta la xaqiijiyay ilaa iyo 3 ruux ayaa ku geeriyootay weerarka, halka 2 ruux oo kalana ay ku...
Farmaajo oo sheegay in burbur ku yimid ciidanka xoogga dalka
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in burbur ku yimid ciidanka xoogga dalka, taas oo ay keentay dhowr arrimood. Farmaajo wuxuu sheegay in ciidamada lageliyay dagaallo aan qorshe iyo istiraatiijiyad laga fiirsadey lahayn, taas oo sababtay in AS sii xoogaystaan, dibna u qabsadaan deegaanno hore looga saaray. Sidoo...
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjogayaal sare oo katirsanaa kooxda AS
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaaradda Gashaandhigga ee Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal iyo duqeyn sacaadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Jabadgodane ee hoostaga Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa lagu sheegay in 21-kii December 2025, ciidanka xoogga dalka ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, ka fuliyeen deegaanka...
Dagaal iyo duqeymo ka dhacay deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe
Xawaadley ( Raxanreeb Online) Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa ku waramaya in duqeyn culus laga fuliyay tuuooyin hoostaga deegaanka Xawaadley ee gobolkaasi. Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday aaga deegaanka Jabadgodane, oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku soo qul qulayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaasi oo galay tuulooyin u dhow deegaanka ee gobolka Shabeellaha...
Lafta-gareen oo gaaray degmada Xudur iyo waxa uu salka ku hayo socdaalkiisa ?
Xudur ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool. Soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Bakool kan Degmada Xudur, Saraakiil Amni, Odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala...
Maxaa sababay iska hor-imaadka saakay ka dhacay degmada Jalalaqsi ?
Jalalaqsi ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ayaa ku waramaya in saakay iska hor-imaad khasaaro sababay uu ka dhacay gudaha degmadaasi. Wararka ayaa waxa intaas ku darayaan in iska hor-imaadka uu sababay kaddib markii xalay la xiray nabadoon caan ka ahaa deegaanka, kaasi oo ay xireen maamulka degmada. Goob...
Maxey tahay sababta uu madaxweyne Deni ugu amba baxay dalka Imaaraatka ?
Kismaayo ( Raxanreeb Online) Sida wararka anu heleyno ay sheegayaan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar ugu baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Safarka madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in uu ku lug lahaa shirkii mucaaradka ee ku soo gabagaboobay Kismaayo. Madaxweynaha Puntland oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa siimaraya magaalada Addis...
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay si loo horumariyo iskaashiga labada dhinac
Qaahira ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan magaalada Qaahira kula yeeshay dhiggiisa Masar, Dr. Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, kulan kaas oo dhacay inta uu socdey Shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika, oo qabsoontay intii...
Madaxweynaha Masar oo ka hadlay waxa ay isku hayaan Itoobiya
Qaahira ( Raxanreeb Online) Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in Masar “aanay qabin wax dhibaato ah” marka laga reebo in ay Itoobiya heshiis sharci ah la gasho oo khuseeya biyo xireenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu magaalada Qaahira kula kulmay wufuud Afrikaan ah oo ka qeyb galayay...
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo wada Mooshin culus ( Akhriso)
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sida ay ilo wareedyo inoo shegeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa diyaariyey mooshin ay kaga horjeedaan lacago sharci-darro ah oo lagu soo daray miisaaniyadda dowladda, kuwaas oo lagu sheegay in deyn ahaan looga qaadan doono Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF. Xildhibaanadu waxay sheegeen in deyntaasi si khaldan loogu wareejiyay ama...









