Ciidamada DF oo burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Bakool

Ciidamada DF oo burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Bakool

Waajid (Raxanreb) — Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo howlgal ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Waajid, ee gobolka Bakool.

Howlgalka, ayaa hor kacayay Maxamed Macalin Yuusuf guddoomiyaha degmada Waajid, iyo Taliyaha Ururka 260-aad, Onkod Macalin Aadan, waxaana ay ciidamadu ku gaareen deegaanka Dhurey iyo tuulooyin kale oo hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Ciidamada howlgalkan sameeyay ayaa sheegay in ay ku burburiyeen saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab, ku lahaayeen deegaanadaasi.

Saraakiisha, sameeyay howlgalka ayaa sheegay in ay sii laba jibaarayaan, howlgalka ka socda Bakool kaas oo looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab dalka.

Guddoomiya degmada Waajid Maxamed Macallin Yuusuf oo ka ka hadlay howlgalka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeeyb galka,

Macallnka, ayaa uga baaqay dadka deegaanka inay qeeyb ka noqdaan dagaallada ka dhanka ah, maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay qeeyb ka noqdaan ciidamada Huwanta.

Koonfur Galbeed, ayaa inta badan Al-Shabaab, go’doomisaa taasoo dhacday billowga sannadkan, in Baydhabo ay go’doon u gasho Al-Shabaab, aysan jirin maciishad gasha iyo wax kasoo baxa walow markii danbe maamulka Laftagareen ay wada hadal la galeen kooxda.