Ciidamada DF oo howlgallo ku dilay horjooge sare Al-Shabaab

Ciidamada DF oo howlgallo ku dilay horjooge sare Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah, gobolka Bakool, ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa si gaar ah, u fuliyay 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, oo la eegtay fariisimo ay Al-Shabaab, ku leeyihiin inta u dhaxeysa degmada Xudur iyo deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool.

Abaanduulaha ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay horjoogihii kooxda Al-Shabaab, u qaabilsanaa gobolka Bakool kaasoo magaciisa lagu ekeeyay Xiirane.

Sidoo kale abaanduulaha ayaa sheegay in ay cagta mariyeen goobo ganbaad u ahaa kooxda Al-Shabaab, halkaas oo weerarada gobolka ay kasoo abaabuli jieen.

Abaanduulaha ciidamada ayaa xusay sidoo kale in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda qeeybo ka mid ah, gobollada dalka.

Dhanka kale ma jirtk wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, ee ku saabaan howlgalladan lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda.

Howlgalladan ayaa ka socda inta badan gobollada dalka kuwaas oo weli ay kusii danbeeyaan kooxaha xagjirka ee Al-Shabaab.