Ciidamada DF oo ka hortagay waraxyo ay maleegayeen Al-Shabaab

Ciidamada DF oo ka hortagay waraxyo ay maleegayeen Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Waraka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen duleedka degmada Janaale, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalkaasi, ayada oo lagu shaaciyay in lagu fashiliyay qaraxyo mooto lagu waday.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in ciidamada howlgalka sameeyay oo gaaray deegaanka Garilow ay soo dileen laba kamid ah xubnaha waday qaraxyadaasi.

“Labo ka mid ah Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Qaranka ay ka sameeyeen xalay deegaanka Garilow hoos taga degmada Janaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgalkaasi.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hubkii ay wateen raggaas iyo qaraxyada oo ahaa bambaanooyin la doonaayay in lagu weeraro ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.

“Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto ay wateen maleeshiyaadka la dilay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyay Internet-ka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna inta badan kasoo abaabushaa qaraxyo iyo weeraro qorsheysan intaba.