Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya iyo dad shacab ah oo hore looga barakiciyay xaafada Dab-damiska ee magaalada Muqdisho ayaa saaka isku horfadhiya xaafadaas.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dadka shacabka oo ah kuwa danyar u badan ayaa sheegay in ay diidan yihiin in si khaldan loo isticmaalo dhulka laga barakicisay, iyadoo intaas ku daray in looga baxay ballan uu la galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la xiirtay dhulka.
Sidoo kale dadka shacabka ah qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in ciidamada booliska ah ee xaafadaas la geeyay ay jir dil iyo xarig u geysteen dad haween u badan oo halkaas ku sugnaa ilaa xalay.
Xaafadda Dab-damiska ee magaalada Muqdisho waxaa muddo ka taagnayd xiisad, kaddib markii doowladda Soomaaliya ay dad danyar ah si khasab ah ugu saartay dul dowladeed oo hore u daganaayeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe burburisay dhulka danta guud oo ay daganayeen dad shacab ah oo danyar ah, waxaana dhulalkaas ay dowladda ku wareejisay ganacsato, taasi oo inta badan ay dadka ku tilmaameen in ay tahay qalad weyn oo dowladda ay ka gashay.

Leave a Reply