Ciidamo katirsan Puntland oo xirtay wadada muhiim ah

Boosaaso ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Puntland ay xirteen wadada u dhaxeeysa deegaanka Karin iyo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland.

Ciidamada wadada xirtay, ayaa la soo warinaya in ay ka amar qataan ganacsade Bashiir Shanle oo kamid ah ganacstada khaadka keena deegaanada Puntland.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in labadii maalmood ee u dambeeysay ganacsade Bashiir, khaadkiisa looga xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, taasi oo uu si aad ah uga carooday ganacsadaha.

Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in ganacsade Bashiir uu khaadka ka keeno dalka Itoobiya, balse ay jiraan mas’uuliyiin katirsan maamulka Puntland oo ay is qabtaan, isla markaana ay saareen cadaadis xooggan.

Weli maamulka Boosaaso iyo laamaha amniga kama aysan hadlin ciidamadan xirtay wadada u dhaxeeysa deegaanka Karin iyo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published.