Ciidamo xirtay waddada Madaxtooyada Garowe

Ciidamo xirtay waddada Madaxtooyada Garowe

Garowe (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaysa magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Madaxtooyada maamulka ay isbaaro dhigteen waddada laamiga ah, ee gasha madaxtooyada.

Waddada ay xidheen ciidamada gadoodsan ayaa ahayd mid muhiim u ah, xarunta sidoo kale xarumo dowladeed iyo hoteello ku yaalla halkaasi.

Ciidamadan, ayaa u diiday dadweynaha iyo maaulkaba in ay maraan waddadaasi, igayoona sheegay dhoowr bilood mushahar ah, in aysan qaadan oo uu ka maqan yahay.

Sidoo kale waxay eedeeyn culus u jeediyeen madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, taaso ahayd in Deni, uu mushaharkooda uu u isticmaalay olalaha doorashada Puntland, aysana marnaba aqbali karin, in xquuqdooda lagu galo olole.

Saraakiil ka tirsan kuwa Madaxtooyada ayaa ku baxay arrintan kuwaas oo isku dayay in ay ku qanciyaan ciidamada la xallin doono arrintooda balse hadda ay waddada furaan, inkastoo markii hore ay ka biyo diideen.

Dhowaan ayay ahayd in sidan oo kale malleeshiyo beeleed oo hubeeysan in ay xirteen garoonka diyaaradaha kuwaas oo diiday in ay soo degto diyaaradaga Khaatka iyagoo ka cabanayay in maamulka uu u xiray khaatka miirowga Kenya sakhsiyaad gaar ah.

Wax cusub mahan in ay xirtaan ciidamo gadoodsan waddooyinka magaalada Garowe, iyagoo cabasho ka ah, in la duudsaday mushaarkooda.