Wanlaweyn ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ka sameyeen duleedka degmada Wanlweyn halkaasi oo dhowaan maleeshiyada hubeysan ay nin oday ah oo dhimirka ka xanuusanaya ay dileen kaddibna ay gubeyeen.
Howlgalka ayaa inta uu socday waxaa gacanta lagu soo dhigay saddex eedeysane oo lala xiriirinayo falkii foosha xumaa ee todobadan gudahiisa ka dhacay deegaanka dudumaye oo hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Sahal, ayaa sheegay in falkii fuusha xumaa ee ka dhacay deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn loo soo qabtay saddex eedeysan, isla markaana loo gudbiyay maxkamadda ciidamada qalabka sida si loo marsiiyo sharciga waxa uu qabo.
Taliyaha ayaa eedeysanayaasha la soo qabtay magacyadoo ku kala sheegay Saalax Xuseen Cali C/xamiid Cabdullaah Siidow iyo Daahir Mukhtaar
Sidoo kale Taliyaha ciidanka dhulka ayaa beelaha waalaha ee wada dagga gobolka Shabeellaha Hoose, ugu baaqay in joojiyaan coladan dhiiga badan ku daadanayo, isla markaana ciidanka xoogga ay kala shaqeyaan nabad galyada.

Leave a Reply