DF iyo Puntland oo warar is-khilaafsan kasoo saaray duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow

DF iyo Puntland oo warar is-khilaafsan kasoo saaray duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow

Garowe (Raxanreeb) — Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa ka horyimid qoraal shalay kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo looga hadlay howlgal culus oo ka dhacay buuraha Calmadow ee maamulkaasi, kaas oo ay dowladdu sheegtay inay fuliyeen ciidanka Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, laguna dilay horjooge sare iyo dagaalyahano gaaraya illaa iyo 20 katirsan kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland, ayaa warkaasi beenisay iyadoona ku sheegtay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, in aysan jirin howlgal Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaannada Puntland.

“Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland, waxay bulshada Puntland, guud ahaan Soomaaliya iyo Adduunkana la wadaagaysaa in an waxba kama jiraan tahay wararka ay faafisay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo ay ku sheegeen in ciidanka SNA ay howlgal amni ka fuliyeen deegaanada Calmadow ee Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Puntland.

Maamul Goboleedka Puntland, ayaa si cad u sheegay in amniga deegaannadooda ku filanyihiin islamarkaana aysan jirin ciidamo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan deegaannadaasi.

Puntland ayaa mar kale tiri “Dowladda Puntland iyadaa amnigeeda ka shaqeysa, waxaana deegaanada Calmadow ku sugan ciidanka difaaca dowladda Puntland, sidaas darteed ma jiro wax ciidan SNA ah oo ka howlgala ama ku sugan Puntland”.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u taagan tahay in dalka laga caribtiro Argagxisada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda Warfaainta ee dowlad goboleedka Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Puntland, ayaa waxaa horeyba ugu jiray hurguf ka dhaxeeysa taasi oo saameeyn ku yeeshay dhammaan wada shaqeeyntii tooska ahayd, sidoo kalena Puntland, ayaan kasoo qeeyb galin shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo dhowaan lagu qabtay caasimadda Muqdisho.