DF oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno katirsan Al-Shabaab

DF oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno katirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsam Al-Shabaab, kaas oo ku sugnaan Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ku sheegay in Cismaan Maxamuud Barre oo ka tirsanaa Al-Shababaab ay laamaha amniga gacanta ku dhigeen.

“Ciidamada XDS ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe Cismaan Maxamuud Barre 17 sano jir ah, oo sida uu sheegtay ka tirsanaa Al-Shabaab, loona soo diray inuu sahmiyo wadooyinka qaraxyo lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere,” sida uu ku yiri Wasiirka qoraalka uu soo dhigay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku suu yiri, “Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay adeegsadaan caruurta yaryar, balse ciidamada iyo dadka deegaanka Xarardheere oo isku xiran ayaa mar kasta fashiliya isku dayada argagixisadu ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada.”

Guud ahaan gobollada dalka waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo fadhi ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb uu ka socda abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.