Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dawladda federaalka Somaliya ayaa hanjabaad culus udirtay Shirkada Diyaaradaha Fly Dubai oo Shalay magaalada Hargeysa ka dagtay ayadoo rakaabka ay qaatay aanan weydiin E-Visa.
Dowladda ayaa sheegtay in Shirkada Fly Dubai ay lakulmi doonto ganaax lacageed iyo in guud ahaan la mamnuuco doono hawada Soomaaliya.
Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaaradaha caalamiga ah ee Hargeysa ka dega ugu goodisey in ay mamnuucayso, haddii ay dal-ku-gal la’aan ku soo qaadaan rakaabka u socda Somaliland.
Geesta kale xukuumadda Somaliland ayaa shaaciyay in diyaaradii weydiisa rakaabka u soo socda Hargeysa E-Visa, ay eryeyso, haddii ay u hoggaansamaan amarka dowladda Soomaaliya.
1-bishii Setember ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u soo rogtay Fiisa Elektarooniga ee E-Visat taasi oo laga rabo Ajaaanibta iyo soomaalida wata basaboorada wadamada kale in ay soo dalbadaan E-Visa, haddii kalana aysan dal soo gali Karin.

Leave a Reply