Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo, waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kasoo degtay diyaarad xamuul millatari oo ah nooca Airbus A400M Atlas ah, oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka Turkiga.
Diyaaradda oo ka soo kacday Saldhigga cirka ee Kayseri Erkilet ee Turkiga, ayaa la rumeysan yahay in imaanshaheedu la xiriiri karo iskaashi milatari oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Dowladda Turkey ayaa maalmahaan dalka keenaysay nidaamka difaaca hawada oo ilaa hada la geeyay goobaha ay muhiimka u ah amniga dalka.
Sidoo kale Turkiga ayaa dhowaan Soomaaliya keenay labo diyaaradood oo casri ah F-16, kuwaasi oo dowladda Turkiga sheegtay in ciidamada xoogga ay ka caawin doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.

Leave a Reply